6 qalad ee ugu badan ee aad samayn karto dhanka wargelinta wakhtiga

Mararka qaarkood qalad ayaa dhaca marka aad buuxinayso wargelinta wakhtiga. Waxaanu sidaas darteed samaynay liistada qaladaadka annagu aanu badanaa aragno.

Iska ilaali qaladaadka ugu badan dhanka wargelinta wakhtiga

Waa muhiim inaad wargelintaada wakhtiga u buuxiso qaab sax ah si aanu u awoodno inaanu ku siino gunno lacag oo sax ah. Waa tan liistada 6 qalad ee ugu badan:

In aan la buuxin dhammaan saacadaha heeganka

Heegan wuxuu xisaabsanyahay shaqo oo waa in lagu buuxiyo wargelinta wakhtiga. Tani waxay khuseysaa xitaa heeganka hurdada iyo saacadaha heeganka ee leh gunno lacag oo hooseysa.

In aan la buuxin ilmo xanuusanaya oo la hayo iyo fasax waalidnimo

Marka aad hayso ilmo xanuusanaya ama ku jirto fasax waalidnimo markaas xaq ma u lihid gunno lacag ah. Taas baddalkeeda Qasnadda Caymiska ka raadso gunno lacag oo ku buuxi wargelinta wakhtiga in aad haysay ilmo xanuusanaya ama qaadatay fasax waalidnimo.

In aad ku buuxiso wakhti shaqo oo aad u badan ama aad u yar

Dad badan waxay wargelinta wakhtiga ku buuxiyaan tiro saacado oo qalad ah, ama shaqadooda ku buuxiyaan toddobaad qalad ah. Waa muhiim inaad saacadahaaga ku buuxiso maalinta saxda ah si aanad u helin gunno lacag oo qalad ah.

In lagu buuxiyo saacado halki ay ahayd boqolkiiba qayb ahaan

Haddii aad haysato shaqo ah boqolkiiba qayb ahaan cayiman waa inaad mar walba ku buuxisaa shaqadaadaas oo boqolkiiba qayb ahaan ah (heerka shaqo) toddobaad walba.

In aan lagu buuxin saacadaha dheeraadka ah ama maqnaanshaha

Haddii aad haysato shaqo nus ahaan ah oo boqolkiiba qayb ahaan ah waa inaad taas ku buuxisaa toddobaad walba dhanka wargelinta wakhtiga. Laakiin waa inaad sidoo kale ku buuxisaa maalmaha aanad awoodin inaad shaqayso, xanuusanaysay ama ilmo xanuusanaya haysay ama saacadaha aad shaqaysay dheeraad.

In aan lagu buuxin gunnada lacagta ee waalidnimo ee maalmaha fasaxa ah

Xitaa haddii aad qaadatay gunno lacag waalidnimo oo ah maalmaha fasaxa oo keliya markaas waa inaad taas ku buuxiso wargelinada wakhtiga.

Haddii aanad sheegin isbaddalada muhiimka ah

Haddii aanad nagu soo wargelin isbaddalada muhiimka ah markaas waxaa khasab kugu noqon karta inaad dib u bixiso lacagta gunnada ee aad heshay. Ta ugu xun ee dhici karta waa in lagaa joojiyo lacagtaada gunnada oo lagaa dacweeyo booliiska. Sidaas darteed waa muhiim in aad si taxaddar leh oo sax ah u buuxiso wargelinadaada wakhtiga oo nagu soo wargeliso isbaddalada. Miyaad dareemaysaa in aanad hubin sida aad samaynayso, nala soo xiriir markaas annaga ayaa ku caawinayna.

Dela:

Senast uppdaterad:

Senast uppdaterad:

Dela: