Goorma ayay lacagtaadu kuu soo dhacaysaa?

Boggayaga intarnatka waxaad ka arki kartaa wakhtiyada guda galka arrin ee hadda jira, halka ka hooseysa cinwaanka Taariikhaha muhiimka ah.

Goorma ayaa arrintaadu dhammaystiran tahay?

Dhammaan arrimahu wakhtiga ay qaataan in la gudo galo way kala duwantahay oo nasiib daro ma sheegi karno taariikh sugan marka ay noqoto isla arrintaadu goorta ay dhammaystirmayso.

Waxaanu codsiyada ku saabsan gunno oo dhan u gudo galnaa siday u soo kala horeeyeen markay na soo gaareen oo waxaad macluumaad ka heli doontaa Mina sidor ama warqad aan kuu soo dirno marka aanu dhex galno arrintaada. Haddii aanad waxba naga maqal, taas waxaa sabab u ah in annagu aanan weli haleelin in aan gudo galno arrintaada. Waxaad wakhtiga gudo galka kala socon kartaa boggayaga intarnatka.

Sidan ayaad nooga caawin kartaa inaanu uga shaqayno codsigaaga si dhakhso ah

  • Taxaddar u yeelo marka aad buuxinayso codsigaaga ku saabsan gunno lacag
    Waa muhiim inaad dhiibto macluumaadka dhammaan wixii aad soo qabatay 13-kii bilood ee ugu dambeeyay.
  • Gal gudaha Mina sidor oo ku soo dir dhammaan macluumaadka dhanka liistadaada waxyaabaha ay tahay inaad samayso
    Haddii aanu macluumaad dheeraad ah kaaga baahano marka aanu eegno arrintaada markaas waxaan kaa soo wargelin doonaa dhanka Mina sidor.
  • Samee wargelinta wakhtiga sida ugu dhakhso badan ee aad awooddo
    La’aanta wargelintaada wakhtiga ma gaarin karno go’aan. Sii wad inaad samayso wargelinta toddobaadyada aad u codsanayso gunno lacag xitaa haddii annagu weli aanan haleelin inaan gaarno go’aan.
  • Na soo wargeli wixi ah isbaddalo
    Waa muhiim inaad nagu soo wargeliso haddii tusaale ahaan aad heshay shaqo, qaadatay fasax waalidnimo ama bilowday waxbarasho.
  • Caddayn isku mid ah ha soo dirin dhowr mar
    Haddii aad caddayn isku mid ah soo dirto dhowr mar waxay taasi keenaysaa khatar ah inay habsaamiso gudo galka arrinta.
  • Xusuuso in aad soo dirto shahaadada shaqo bixiyaha
    Waxaad u baahantay inaad shaqo bixiyahaaga/shaqo bixiyayaashaada aad ka codsato shahaadada shaqo bixiyaha ee wakhtiga aad soo shaqaysay. Waxaan u baahanahay shahaadada shaqo bixiye ee 12-kii bilood ee ugu dambeeyay ee aad soo shaqaysay.

Haddii shaqo bixiyahaagu sameeyay shahaado elaktaroonig ah waxaa lagaaga baahanyahay inaad taas ku oggolaato aqoonsigaaga elaktarooniga ah ka hor inta aanan annagu awoodin inaan aragno taas. Waxaad shahaadadaas ka helaysaa Mina sidor halka ay ku qorantahay "Nya arbetsgivarintyg".

Dela:

Senast uppdaterad:

Senast uppdaterad:

Dela: