Miyaad xaq u leedahay qasnadda shaqo la’aanta?

Si loo yeesho xaqa qasnadda shaqo la’aanta waa inaad buuxiso shuruudo gaar ah.

Adigu waa inaad soo shaqaysay ugu yaraan 6 bilood

Si aad lacag uga hesho qasnadda shaqo la’aanta waa in adigu, ka hor inta aanad noqon bilaa shaqo, aad buuxisay mid ka mid ah shuruudaha soo socda:

  • Sanadkii ugu dambeeyay aad soo shaqaysay ugu yaraan 6 bilood oo ahayd ugu yaraan 60 saacadood calaa bil.
  • Sanadkii ugu dambeeyay aad soo shaqaysay ugu yaraan 420 saacadood muddo ah 6 bilood oo isku xiga oo ahayd ugu yaraan 40 saacadood bil walba.

Haddii aad tusaale ahaan ku jitay fasax waalidnimo, xanuusanaysay ama wax baranaysay wakhti buuxa sanadkii ugu dambeeyay markaas xaaladaha qaarkood waxaanu isticmaali karnaa shaqo aad soo qabatay wakhti hore.

Miyaad qasnadda shaqo la’aanta aad horey u qaadatay?

Haddii aad horey u heshay gunno lacag ah oo aad haysato ayaamo gunno lacag ah oo kuu harsan waxaad xaaladaha qaarkood aad la bixi kartaa kuwaas. Si aad u awooddo inaad la baxdo ayaamahaaga waa in aanay ka soo wareegin in ka badan hal sano ka dib markii ugu dambeysay ee aad heshay gunno lacag ah.

Haddii ay ka soo wareegtay in ka badan hal sano waa inaad buuxiso shuruud shaqo oo cusub oo aad gunno lacag codsato mar cusub. Laakiin haddii aad tusaale ahaan ku jirtay fasax waalidnimo, xanuusanaysay ama wax baranaysay wakhti buuxa waxaad xaaladaha qaarkood qaadan kartaa maalmahaaga gunno lacageed ah inkastoo ay ka soo wareegtay in ka badan hal sano. Nala soo xiriir markaas annagga ayaa si dheeraad ah kuugu sharraxayna.

Waxbarasho, shaqo, fasax waalidnimo iyo jiradu waxay raad ku yeeshaan gunnadaada lacagta ah

Ma rabtaa inaad dhigato koorso, hesho shaqo nus ah, qaadato fasax waalidnimo ama haddii aad xanuusato waxay raad ku yeelan kartaa gunnadaada lacagta ah. Haddii aad rabto inaad wax dheeraad ah ka ogaato waxaad ka akhrin kartaa cinwaanka Qawaaniintee ayaa ah ansax. Länk till annan webbplats.

 

Dela:

Senast uppdaterad:

Senast uppdaterad:

Dela: