Sidan ayaad u buuxinaysaa wargelinta wakhtiga

Si aad u hesho lacagta qasnadda shaqo la’aanta waxaad u baahantahay inaad toddobaad walba soo dirto wargelinta wakhtiga. Wargelinta wakhtiga waxaad ka buuxinaysaa adeegayaga elaktarooniga ee Mina sidor Länk till annan webbplats..

Sidan ayaad samaynaysaa

Waxaad ku bilaabaysaa inaad doorato toddobaadka aad rabtid inaad wargelintiisa samayso. Maalin maalin u buuxi waxa aad samaysay adiga oo dooranaya doorashada kugu haboon adiga. Xitaa Sabti iyo Axad waa inay ku jiraan.

Adigu waxaad kala dooran kartaa doorashooyinka

  • Bilaa shaqo
  • Shaqo
  • Fasax
  • Ma awoodo shaqo gelis
  • Xanuusanayay /Ilmo xanuusanayay hayay / Fasax waalidnimo

Talaabada taas ku xigta ayaad dib ugu eegaysaa macluumaadkaaga oo soo diraysaa iyagga.

Halkan hoose waxaanu ku si faahfaahsan ugu sharraxaynaa waxa ansaxa ah dhinaca shaqo, fasax, jiro, ilmo xanuusanaya oo la hayo iyo fasaxa waalidnimo.

Muhiim ayay tahay inaad u buuxiso si sax ah

Waa muhiim in aad wargelinta wakhtigaaga u buuxiso si sax ah. Haddii aad ku buuxiso macluumaad qalad ah ama iska dhaafto inaad sheegto wax raad ku yeelan kara gunnadaada lacagta ah markaas waxaa waajib kugu noqon karta inaad dib u bixiso. Waxaad mar walba ku soo dhawaataa inaad nala soo xiriirto haddii aanad hubin sida aad samaynayso, markaas annaga ayaa ku caawinayna!

Loogu talogalay adigaaga shaqeeya

Miyaad shaqaysaa wakhti nus ah?

Adigaaga haysta shaqo ah boqolkiiba qayb ahaan ama haysta tiro saacado ah oo damaanad qaad leh calaa toddobaadkii, markaas waxaad boqolkiiba qayb ahaantaas ku buuxinaysaa wargelintaada wakhtiga. Xitaaa haddii jadwalkaagu kala duwanyahay waa inaad ku buuxiso boqolkiiba qayb ahaantaadaas todobaad kastaba. Boqolkiiba qayb ahaantaas waxaad ku buuxinaysaa halka ka hooseysa "Anställningens omfattning". Haddii aad shaqayso wax dheeraad ku ah boqolkiiba qayb ahaantaada waa inaad ku buuxiso boqolkiiba qayb ahaantaada iyo saacadaha dheeraadka ah ee aad shaqaysay labadaba. Adigu waa inaad buuxisaa xitaa haddii aanad shaqayn tusaale ahaan sababtoo ah xanuun.

Miyaad tahay shaqaale ku shaqeeya calaa saacad?

Haddii aad tahay shaqaale ku shaqeeya calaa saacad oo aad shaqayso marka baahi jirto waa inaad ku buuxisaa saacadaha aad shaqaysay calaa maalin walba. Adigu waxaad ku buuxinaysaa inta saacadood ee buuxa iyo kuwa nus ah ee aad shaqaysay.

Miyaad shaqaysaa wakhti heegan ah ama inaad ku jirto shaqo u diyaar?

Adigaaga shaqeeya wakhti heegan ah ama ku jira inaad diyaar u tahay shaqo waa inaad saacadahaas oo dhan ku buuxisaa wargelinta wakhtigaaga maadaama ay xisaabsanyihiin wakhti la shaqeeyay. Tani waxay khuseysaa xitaa heeganka hurdada ah. Haddii wakhtiga heeganka ahi ku jiro saacadahaaga shaqo ee shaqo nus ahaan ah boqolkiiba ahaan markaas maaha inaad ku buuxiso saacadaha heeganka ah. Fadlan nala soo xiriir haddii aanad hubin sida aad samaynayso markaas annaga ayaa ku caawinayna!

Miyaad ku shaqaysaa inaad tahay dab-demiye nus ahaan shaqeeya?

Adigaaga ah dab-damiye nus ahaan ku shaqeeya waxaa ku khuseeya qawaaniin gaar ah oo maaha inaad wargelinada wakhtiga aad ku buuxiso saacadaha diyaarka aad ku jirto iyo tababarka. Taas badalkeeda waa inaad wargelinyada wakhtiga aad ku buuxiso marka aad u baxdo shaqo iyo daryeelka alaabta ilaa ay tahay in aanad oggolaansho naga helin annaga inay tahay shaqo dheeraad ah. Nala soo xiriir markaas annaga ayaa wixii dheeraad ah kuu sharraxayna.

Fasax

Adiga haysta ayaamo fasax oo aad ku heshay shaqadaada waa inaad ku buuxiso afar geesyada Semester” ee wargelinta wakhtiga. Haddii aad haysato wakhti is daba joog ah oo fasax ah waa inaad fasax ku buuxiso dhammaan ayaamaha mudadaas aad tahay fasaxa, xitaa ayaamaha aanad shaqayn lahayn marka loo eego jadwalkaaga.

Miyaad fasa ka tahay shaqo calaa saacad ah, markaas waxaad ku buuxinaysaa afar geesyada ”Kan inte ta arbete”.

Ma awoodo shaqo gelis

Haddii aanad shaqayn karin iyadoo ay jirto wax sabab ah waa inaad doorato doorashadan. Tusaale ahaan haddii aad safar u baxdo ama haddii aanay diyaar kuu ahayn xanaanada carruurtaada. Adigu waa inaad doorato doorashadaas xitaa haddii aad qaadato taageerada fir-fircoonida ama aad ku jirto waxbarasho annagu aananu oggolaan.

Jiro

Marka aad xanuusanayso ma shaqayn kartid oo sidaas darteed ma heli kartid gunno lacag ah. Sidaas darteed waa inaad wargelinta wakhtiga ku buuxisaa in aad xanuusanayso. Isticmaal afar geesyada xanuun/Ilmo xanuusanaya oo la hayo/fasax waalidnimo oo ku buuxi qayb intee leeg oo maalin ka mid ah ee aad xanuusanaysay. Gunnada lacagta ee maalmaha aad xanuusanaysay waxaad ka dib ka codsanaysaa meesha aad u shaqayso ama Qasnadda Caymiska.

Fasax waalidnimo iyo Ilmo xanuusanaya oo la hayo

Marka aad ku jirto fasax waalidnimo ama guriga u joogto ilmo xanuusanaya markaas ma shaqayn kartid. Sidaas darteed waa inaad wargelinta wakhtiga ku buuxisaa inaad daryeelaysay ilmahaaga. Isticmaal afar geesyada loogu talogalay xanuun/Ilmo xanuusanaya oo ku buuxi qayb intee leeg oo maalin ka mid ah ee aad ku jirtay fasax waalildnimo/ilmo xanuusanaya haysay. Gunnada lacagta ee maalmaha aad guriga joogtay waxaad ka dib ka codsanaysaa Qasnadda Caymiska.

Miyaad ku jirtaa barnaamij dhanka Xafiiska Shaqada ah?

Ma u baahnid inaad samayso wargelinta wakhtiga haddii aad ku jirto waxbarasho suuqa shaqada ah ama barnaamij dhanka Xafiiska Shaqada ah. Markaas taas baddalkeeda waa inaad taageerada fir-fircoonida aad ka codsataa Qasnadda Caymiska. Haddii aad bilowdo ama joojiso barnaamijkaaga iyadoo lagu jiro bartamaha toddobaad waxaad ku buuxinaysaa ”Kan inte ta arbete” maalmahaas aad ku jirto barnaamijkaas.

Dela:

Senast uppdaterad:

Senast uppdaterad:

Dela: