Miyaad xaq u leedahay qasnadda shaqo la’aanta?

Ma markii ugu horeysay ayaad codsanaysaa qasnadda shaqo la’aanta? Halkan waxaa ku jirta tilmaan talaabo talaabo ah kuna saabsan sida aad samaynayso.

Iska diiwaan-geli Xafiiska Shaqada

Iska diiwaan-geli Xafiiska Shaqada boggeeda intarnatka maalinta kuugu horeysa shaqo la’aanta.

Gunnada lacagta ka codso dhanka Mina Sidor

Ka gal adeegga elaktarooniga ee Mina sidor. Länk till annan webbplats. oo buuxi meesha codsiga gunnada lacagta. Ka dib markaad buuxisay codsigaaga, waxaad arki doontaa meesha "Att göra"- liistada ay ku caddahay haddii aad u baahantahay in aad soo dirto macluumaad dheeraad ah.

Soo dir shahaadada shaqo bixiyaha

Waxaad u baahantay inaad shaqo bixiyahaaga/shaqo bixiyayaashaada aad ka codsato shahaadada shaqo bixiyaha ee wakhtiga aad soo shaqaysay. Waxaanu u baahanahay shahaadada shaqo bixiyaha ee 12 bilood ee ugu dambeeyay ee aad soo shaqaysay.

Shahaadada shaqo bixiyaha waxaad ku soo diraysaa dhanka Mina sidor. Haddii aad rabto inaad ku soo dirto boosta. halkan ayaad ka helaysaa cinwaanka. Länk till annan webbplats.

Soo gudbi macluumaad

Haddii aad wax kale oo aan ahayn shaqo aad soo qabatay sanadkii ugu dambeeyay waxaad u baahantahay inaad dhiibto macluumaadka ku saabsan arrintaas. Dhinaca liistadaada "Att göra" ee dhanka Mina sidor waxaad ka arkaysaa nooca macluumaadka ay tahay inaad soo dirto.

Samee wargelinta wakhtigaaga toddobaad walba

Adigu waxaad u baahantahay inaad dhiibto wargelintaada wakhtiga ee ugu horeysa ka hor inta aanan go’aan ka gaarin arrintaada. Wargelinta wakhtiga waxaad ku soo diraysaa Mina sidor halka ka hooseysa Rapportera tid. Markaas ka dib waxaad soo direysaa wargelinta wakhtigaaga toddobaad kastaba.

Halkan waxad ka helaysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida aad u buuxinayso wargelinta wakhtiga.

Waxaanu ku guda jirnaa ka arriminta codsigaaga

Marka aanu helno macluumaadkaaga oo dhan ayaan gudo geli karnaa codsigaaga. Waxaanu go’aan kuugu soo diri doonaa dhanka Mina sidor.

Sidan ayaad u helaysaa lacagta qasnadda shaqo la’aanta

Waxaanu gunnada lacagta ka bixinaa dhanka Swedbank. Haddii aad rabto in lacagtaada laguugu soo diro bangi kale waxaad xisaabtaada bangiga wargelinteeda ka samaynaysaa Swedbank diiwaankeeda xisaabaha bangiga Länk till annan webbplats..

Haddii aad xisaab ku leedahay bangi kale oo aanad wargelin Swedbank markaas warqad jeeg ah ayaad helaysaa xilliga lacagta ugu horeysa. Warqadda jeega waxaad ula tegi kartaa mid ka mid ah xafiisyada Swedbank.

Dela:

Senast uppdaterad:

Senast uppdaterad:

Dela: